Home WARARKA Somaliland oo sheegtay inay Wada hadal kula jirto Puntland, Wasiir Puntland oo...

Somaliland oo sheegtay inay Wada hadal kula jirto Puntland, Wasiir Puntland oo Beeniyay

0
SHARE

Somaliland ayaa sheegtay iney billowday wadahadallo ay la yeeshaan maamulka Puntland oo dhowaan ku dagaallameen deegaanno ka mid ah gobolka Sool.

Sacad Cali Shire, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay garowsatay in xilligaan aanu dagaal u baahneyn gobolka Sool, islamarkaana muhiim tahay in la wadahadlo.

“Gobolka Sool uma baahna dagaal iyo iska horimaad, wuxuu u baahan yahay nabad, wadan walbo xaq buu u leeyahay inuu xadkiisa gaaro, Somaliland uma baahna in dadkeeda maquuniso oo ay xoog ku gaarto” ayuu yiri wasiir Sacad.

Wasiir Sacad ayaa dhanka kale sheegay in Puntland ay wadahadallada ku xireen in xabadda la joojiyo, laga wadahadlo maxaabiista islamarkaana dhankooda arrimahaasi diyaar u yihiin.

Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aan wax xal ah la gaarin.

Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa beeniyey in wadahadallo la leeyihiin Somaliland, lagana wadahadlayo arrimaha gobolka Sool.

C/laahi Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa sheegay in warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda maamulkaasi aanu waxbo ka jirin, islamarkaana Puntland ay ka go’an tahay iney la wareegto gobolka Sool.

“Waan maqlay warkaa kasoo yeeray wasiir Sacad Cali Shire oo uu leeyahay waxaa inoo socda annaga iyo Puntland wadahadallo, warkaasi waa mid aan waxbo ka jirin waa war siyaasi…Laascaano iyo gobolka Sool waa la xoreynayaa waa arrin dastuuri ah, haddii in muddo ah Somaliland ay dhex socotay micnaheedu ma ahan iney leedahay” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Quraan Jecel oo hadalkiisa si wata ayaa sheegay in aanu jirin wax lagu wadahadlo oo meesha yaalla, sababtuna wuxuu ku sheegay in Sool ay ka tirsan tahay Puntland.

Lama oga sida ay wax ku dambeyn doonaan, waxaana jirin illaa hadda dedaal rasmi ah oo muuqda misane lagu kala dhexgalay dhinacyadan.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE