Taliska Muuse Biixi ayaa mar kale dhaq dhaqaaqyo iyo dib u abaabul ciidan ka wada jiidda Laascaaanood.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in Maleeshiyaad cusub oo laga soo ururiyay beelaha Somaliland lagu kordhiyay ciidamada fadhiya Gooja-cadde.
Maleeshiyaadkan oo mudda bil ah lagu tababaray xero ciidan oo u dhaw Hargeysa ayaa lagu soo daabulay gaadiidka xamuulka ee loo yaqaan Waaraadyada.
Ciidamada Somaliland ayaa maalmo ka hor duullaankii ugu cuslaa ku qaaday Laascaanood si ay dib ugu qabsadaan magaalada Lascaanood waase ku fashilmeen.
Warar aan helnay ayaa tilmaamaya in maamulka Muuse Biixi ay dhabar jab ku noqotay in lagala wareego inta badan magaalada Laascaanood.
Muqdisho-Somalia