Somaliland oo dhex dhexaadineysa Beelo Soomaaliyeed oo ku dagaalamay gudaha Puntland

0

Taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray deegaana Tukaraq oo dhowr jeer ay isku dagaaleen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Beelo Soomaaliyeed oo daga Puntland kuwaa oo isku dagaalay deegaan u dhaw gobalka Nugaal islamarkaana dhaca banaanka caasimada Puntland ee Garoowe.

Dhanka kale waxaa dagaal beeleed uu ka dhacay deegaanka Sangajabiye   oo u dhaxeeya laba beelood oo kala dega Sool (Boocaame) iyo Gobolka Nugaal-Garoowe  ayaa halkaas laga soo wariyay kaa oo khasaaro kala duwan sababy.

Dagaal beeleedka ayaa salka ku haya  deegaamayn ay ku doonaysay Beesha Nugaal ee dagta Deegaanka Sangajabiye oo ah gudaha gobolka Sool ah .

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaas aan ka heleyno ayaa sheegaya in khasaaro iusgu jira dhimasho iyo  dhaawac inuu ka dhashay  , iyadoo wali ay is hor fadhiyaan beelaha halkaas ku dagaalamay.

Maamul Goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Dani ayaa awoodi waayay inuu kala dhexgalo beelaha Soomaaliyeed ee Puntland dhexdooda isku dagaalaya isagoo sidoo kale aan wax kaalin ah ka qaadan joojinta dagaalka.

Waxaa muuqata in dagaal beeleedyo ay dib ugu bilowdeen Puntland kuwaa oo sidoo kale xogo aan helnay ay sheegayaan iney ka dambeyso Puntland oo dano gaar ah ka leh dagaalada soo cusboonaaday.

Muqdisho-Somalia