Sirta ka dambeysa in xiligan uu Farmaajo ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil!

0

Warqadda kasoo baxday Villa Somaliya, maahan mid Caddaaladda Ikraan lagu raadinayo, ee waa mid la doonayo in Fahad lagu beri yeelo, laguna duugo cadaaladda gabadhaas la dulmiyey, waxaana u sabab ah:-

1: Ku dhawaad 80 beri kadib, howshana uu xafiiska Ra’iisul wasaaruhu gacanta ku hayo, galdacwadeed kiina la furay, maxaa looga baahanyahay guddi kale, maa loo ogolaado Maxkamadda iyo xeer ilaalinta howshoodii socotay?

2: Khamiista waxey maxkamadda Ciidamada qalabka sida u yeereysaa eedeysanayaasha, sidaas darteed warqaddaan waa hordhac lagu carqaladeynayo u yeerista maxkamadda.

3: Farmaajo waxaa ku qasbay warqaddaan kadib markii uu rumeystay in bulshadu ogaatay inuu hortaaganyahay baaritaan ka Kiiska Ikraan iyo inuu ka baqay in baaritaan ku lug lasoo galo Villa Soomaaliya.

4: Farmaajo ma kala caddeyn taliyaha NISA ee xubinta soo magacaabaya, kaba dhig kii uu magacaabay inuu yahay, kaas sow eedeysane ma ahan, sido kale sow hay’addu ma ahan waxa la baarayo sidee Xarun la baarayo guddiga baarista uga mid noqon kartaa?

Farmaajo ilaa shalay wuxuu ku baryootamayey in la damiyo Kiiskaan, laakiin markuu ogaaday inaan loo joojineyn ayuu guddi ku qataar ah sidii lagu yaqaannay hadda lasoo booday, waana farsamo kale oo uu doonayo inuu ku daahiyo baarista socota. Caddaalad soo daahday, waa caaddaalad la diiday. #justice4ikraan6