Sirta ka dambeya Ciidamada Haramcad ee Jowhar lagu daadgureyey

0
16

DFS ayaa Magaalada Jowhar geysay Ciidamada gaarka u tababaran ee Haramcad sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo la hadlay warbaahinta.

Askartaan ayaa qayb ka ah ilaalinta ammaanka Magaalada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is dulsaaran waqti ahaan, waa tan Dowlad Goboleedkaas & soo doorashada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshaha Dowladda ayaa ah in ciidan kale ay geysto Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhanka kale ah Caasimadda Dastuuriga ee DG Hir-Shabeelle, inkasta oo aan la heyn inta ay gaarsiisan yihiin.

Wasiirada Amniga & Arrimaha Gudaha DG Hir-Shabeelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay la kulmayay saraakiil ciidan iyo hoggaanka howlgalka Midowga Afrika oo ay u bandhigayeen ka taageerista amniga Jowhar.

Labadaan Wasiir ayaa sheegay in Al-Shabaab culeys ay saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii uu kordhay howlgalka ka dhanka ah ee ka socda Gobolka xad wadaagga la ah ee Shabeelaha Hoose.

Magaalada Jowhar waxaa lagu dilay labo Xildhibaan, sidoo kale kamid ahaa Wasiirada Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdi Waare, Qaraxyo Miino, dilal kale & weeraro ka dhacay baraha Magaaladaas laga ilaaliyo ee duleedka ah.

Dadka qaar ayaa isweydiinaya waxa uu yahay ujeedka ciidanka DFS ay u geystay Magaalada Jowhar, iyada oo maanka lagu hayo Doorashooyinkii ka dhacay Baydhabo & Dhuusamareeb oo askarta Haramcad la geeyay, halka Gobolka Gedo la dajiyay.

Haddaba, muxuu yahay ujeedka Ciidamada Dowladda Federaalka ay u geyneyso magaalooyinka lagu qabanayo Doorashada?