Sirdoonka Kenya oo walaac ka muujiyey tallaabo uu qaaday MD Xasan Sheekh

0

Xiriirka Waddamada Soomaaliya & Kenya oo umuuqda mid sii xumaanaya,kyadoo lasoo sheegayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu baajiyey safarkiisii Nairobi ee shirkii IGAD.

Xubno ka mid ah Sirdoonka Kenya iyo Mas’uuliyiin katirsan Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa wadajir waxay umuujiyeen walaaca ka qabaan diblomaasiyada labada dal inay dhaawacanto mar kale.

Tallaabadii ay sameysay bishii hore Xukuumada Nairobi oo madaxtooyada lasoo dhigay calanka Soomaaliland ayaa waxay ka careysiisay Dawlada Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa iskaga soo baxay shirkaasi markii uu sheegay in Kenya ku xad gudubtay Qaranimada Soomaaliya oo ay Soomaaliland Dal u aqoonsatay shirkana ay ku casuumtay.

Iyadoo laga shidaal qaadanayo khaladkaasi waxay Villa Soomaaliya qorsheysay in safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ka hor Turkiga uu aado Nairobi si uu goob joog unoqdo shirka IGAD balse isbadel ayaa lagu sameeyey jadwalkii safarkiisa,taas badelkeedana Turkiga ayuu aaday si cadna uga baaqday Nairobi.

Abuukaato Mahdi Guuleed oo shirka IGAD soomaaliya ku metalay waxay Kenya sheegtay inay dib udhigtay qorshaheedii khaat-ka Kenya ee la rabay in la fasaxo oo heshiiskii la saxiixi rabay ayaa dib udhacay.

Hore Kenya waxay kasoo horjeeday qaabkii Dawladii Xasan Sheekh Maxamuud Maxkamada Caalamiga ah ugeysay dacwadii Badda ee sanadkii hore Soomaaliya guusha ku heshay.

Tallaabada kale ee Madaxweyne Xasan Sheekh ceeb ku aheyd waa inuu ka baaqday Shirka IGAD oo aysan hore udhicin Madaxweyne Soomaaliya loo doortay ka qeyb geli waayo.

Siyaasiyiinta qaar ee Kenya udhashay ayaa rajo xumo iyo diblomaasiyada oo xumaan karta ku micneeyey in Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqday Shirka IGAD oo la filayey inuu Nairobi tego.

Waxay Xukuumada Nairobi hadda guraneysaa mirihii ay ka dhaxashay gabool falo siyaasadeed oo ay ku sameysay kuna xad gudubtay qaranimada Soomaaliya.