Sir laga helay kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo DF oo ka hadashay

0

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in hoggaamiyayaash mucaaradku jawaabo ka dalbanayaan Villa Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Soomaaliya ay heshiis kala galeen Kenya arrinta badda.

Khabiir ka tirsan Jaamacadda Kings College ayaa sheegay in Qatar ay ka shaqeysay heshiis ka baxsan maxkamadda oo la xiriira dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

RW kuxigeenak Mahdi Guuleed ayaa sheegay in maxkamadda cadaaladda Caalamiga ee ICJ ay soo gabagabayn doonto go’aankeeda ku aadan muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaalia, Iyada oo dabasocota dhagaysigii dacwadeed ee ay Soomaaliya ka horjeedisay maxkamadda horteeda intii u dhaxaysay 15-18 kii bishii March ee sanadkaan.

Waxaa uu intaasi ku daray in aanay waxba iska khusaynin xiriirka dublamaasiyadeed ee ay labada dal soo ceshteen iyo arrinta dacwadda badda.

RW kuxigeenku hadalkiisu waxaa uu daawo u yahay, hadalo bushadu malmahaan isla dhexmaraysay iyo wal wal laga qabay in heshiiska ay dawladda Qatar keentay uu mugdi galin karo arrimaha qaar, waloow arrintu ay maxkamad joogto.

Muqdisho-Somalia