SIR LA HELAY: Turkiga oo isku keenaya Farmaajo & Uhuru “Kiiska Badda”

0

Sida uu shaaca ka dhigay wasiirka Arimaha Dibada Mevlüt Çavusoglu waxaa uu booqan doonaa Kenya iyo Soomaaliya horraanta bisha soo socota halkaas oo la filayo inuu kula kulmo Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta oo labaduba bilihii lasoo dhaafay xidhiidhkoodu aanu wanaagsanayn.

Ilo xogogaal  ayaa laga soo xigtay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhexeeya.

Haddii ay arrintaasi dhabowdo, waxaa diblumaasiyiintu ay qabaan in ay la macno tahay in Kenya loo oggalaado wixii ay rabto(Heshiis dhexdhexaad ah ama Soomaaliya inuu isbeddalo mowqifkeeda).

Xukuumaqdda Ankara ayaa fursad ay ka faa’iidsaysan karto u aragta xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya maadaama ay ganacsi kala dhexeyso labada dal waxayna u aragtaa inay yihiin aasaas ay ku xoojin karto saameyntooda kaliya mandiqadda Bariga iyo Geeska Afrika laakiin guud ahaan qaaradda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa tuurtay codsigii Kenya ee bishii hore markii afaraad oo dib loo dhigo kiiska waxayna xukuntay inay dib u bilaabato 15-ka March Waxaa la filayaa inay soo gabagabeyso kiiska sannadkan oo ay soo saarto xukun kaas oo ah mid qasab ah oo aan rafcaan laga qaadan karin.

Khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay oo arkay burburka xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona ajendaha Çavusoglu ee gobolka.

Labada dal waxaa ka dhaxeeyay xiriir aan wanaagsaneyn labadii sano ee la soo dhaafay taasoo ugu dambeysay burburkii xiriirkii bishii November ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxay eriday safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo bishii Nofeembar waxayna laashay dhammaan shaqaalaha diblomaasiyadayda bartamihii Diseembar sababo la xiriira waxa maamulka Farmaajo ku sheegay faragelinta joogtada ah ee arrimaha gudaha dalkiisa.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo saameyn weyn ku yeeshay howlaha dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo militariga ayaa isku dayay inuu ka dhex muuqdo quwadaha reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK oo iyagu gacan weyn ku hayey Geeska Afrika.