SIR LA HELAY: Al Shabaab Oo Xubno Ku Darsaday Booliska Soomaaliya

0

Sumcad dilka Booliska Soomaaliya waxay muujineysaa sida habacsanaanta Amni Ee dalka kaga jirto.

Ciidamada Booliska waa kuwo qaabilsan kadaba taga Falka marka uu dhaco,si la mid ah Taas nabad sugida ayaa looga baahan yahay ka hor tega Amni darada.

Booliska waa Askarta Amniga Dal walbo suga balse Soomaaliya waxay noqdeen Fadlan Lacag ku shubo.

Askarta taagan Waddooyinka Muqdisho badankood waxay waayeen Hanaankii Shaqada maadaama qaarkood aysan helin Mushaarkii ay xaqa ulahaayeen.

Waxay ku qasbanaadeen inay sandareerto yar ka qaataan Qof walbo ay shaxaadi karaan Ee gaadiid wata.

MAXAY QARAXYADA UGA DHACAAN MUQDISHO MAR KASTA?

Waa Su’aal Lagu jahwareeray maadaama ciidamo ay taagan yihiin Waddooyinka iyo Isgoysyada Halbowlaha ah Ee Xamar.

Jawaabta ayaa lagu soo koobay Ciidanka oo ku daala shaqada ay hayaan,Badelka ay mudnaayeen oo aysan Helin,Qoraxda iyo Qabowga ku dhaca oo aysan Xaqoodii helin.

Booliska Soomaaliya ayaa qabkii uu lahaa daciifay,waxay lumiyeen Kalsoonidii Shacabka ay Ka heli lahaayeen,Meeshii lagu soo ordi lahaa Askariga labisan hadda waa laga cararaa Muqdisho.

Xafladii ugu dambeysay Ee Ciidamada Booliska udabaal dagayeen waxa ka baaqday Munaasabad uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo kadib Hoolka Xaflada oo bistoolado iyo waxyaabo qarxa laga helay.

Waxa sidoo kale Ay dhowr mar qaraxyo ay fududeeyeen in gaadiid ay gudbiyeen Ciidanka Booliska ay ka dhaceen Baro muhiim ah oo Dawlada ku shaqeyso.

Al Shabaab ayaa ku dhex darsaday Rag iyo Dumar ay soo xusheen Ciidan Booliska loo tababarayey,taas oo bilowgii hore aan la marsiin dadka la qorayey Habraaca Shaqo gelinta.

Waa Ubucda keenta in Shabaab ay ku dhex milmeen Hay’adaha Dawlada Soomaaliya,taas oo sahal uga dhiga Qorshe walbo oo Amni daro ay fulinayaan Magaalada Xamar.