Sir Culus: Raggii Weeraray Hoteelkii Kismaayo,Kaalinta Dawlada iyo Ninkii La Qabtay Oo…

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya ay kusoo biyo shubatay weerarkaasi inay wax ka ogeyd,taas oo sir laga helay Sargaalkii Shabaabka ee La qabtay.

Nabad sugida Jubbaland ayaa dhaawac ku qaatay ninkaasi oo ka mid ahaa Kooxdii weerarka ka geystay Hoteelka Cas caseey Ee Magaalada Kismaayo.

Ninka la hayo ayaa sheegay inay ahaayeen isaga iyo Kooxdii kale Ee Hoteelka weeraray Dawlada Federaalka Soomaaliya,weerarkana uu ahaa mid qorsheysanaa.

Inkastoo ay Al Shabaab sheegteen in iyagu ka dambeeyeen weerarka hadana waxa uu bixiyey sir ninka la qabtay isagoo tilmaam ka bixiyey weerarka iyo sida loo soo agaasimay.

Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ayaa tegay gurigii ay kusugnaayeen kooxda weerarka soo qaaday Abaabulkana cida lahaa uu bixiyey.

Inkastoo ay adag tahay in Laamaha Amniga ay bixiyaan xogta laga helay ninkaasi la hayo hadana Warqaad ayaa heshay xog ah in Ganacsade Caan ka ah Kismaayo uu Qaraxa soo abaabulay.