SIR CULUS: Qoorqoor & Lafta-Gareen oo ka carooday hadalkii MW Deni

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo hadal-qaaday doorashooyin ka dhacay gobollada Koofur Galbeed iyo Galmudug.

Ololaha qabashada doorasho qof iyo cod ah ee Villa Soomaaliya gedaal ka riixeysay ayuu ku tibaaxay “in uu ahaa marin-habaabin la doonayey in dhaqaale looga uruursado dalalka taageera dimuqraadiyada”.

Madaxweynayaasha hadda ka ariminaya Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayuu ka dhawaajiyey in ay ku yimaadeen doorasho uu dhiig ku daatay.

Waxaa uu sheegay in ay ku soo baxeen doorashooyin uu dhiig ku daatay, oo sababay gacan hadallo ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

Hadalkani ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa waxaa aad uga carooday madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo kan Koofur Galbeed Lafta-Gareen.

Qorshaha Farmaajo uu doonayo iyo waxa ay sidaasi xukuumaddiisa u samaysay ayuu ku tilmaamay in ay saldhig u yihiin doorashooyinka caynkaasi oo kale ah.

Qoorqoor iyo Deni oo waayadii dambe iska yara ag dhowaa ayaa dadka qaarkii ay sheegayaan in ay tani sababto madmadow soo kala dhexgala labada madaxweyne oo kal hore heshiisyo amni iyo kuwa horumineedba ku gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Illaa hadda kama aynaan jawaabin hadalka Deni ee ah in ay ku soo baxeen doorashooyin uu dhiig ku daatay, waxaase saraakiil iyo wasiirro ka tirsan labada maamul ay u xaqiijiyeen Warqaad in ay aad uga xumaadeen hadalkaasi oo ay gef ku sheegeen.