Home WARARKA Sir Culus: H/gidir & Abgaal Oo Qorshe Layaab Leh Ula Tegaya Madaxweyne...

Sir Culus: H/gidir & Abgaal Oo Qorshe Layaab Leh Ula Tegaya Madaxweyne Farmaajo

0
SHARE

Kulan Xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho ayey Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Beelaha Habar gidir iyo Abgaal waxay isku raaceen in loo tego Madaxweyne Farmaajo Qorshahoodana laga dhaadhiciyo.

Muhiimada ayaa aheyd in Axmed Cabdullaahi Ceydiid oo ahaa Askari katirsan Ciidanka Xoogga oo ka dambeeyey dilkii 3-dii May 2017 loo geystay Wasiirkii Howlaha guud Ee DFS Cabaas Siraaji Dembigiisa loo tir tiri lahaa.

Waxgaradka Beelahaan oo ku jilib tirsada Hiraab ayaa waxay sheegeen in Lacago diyo ah la bixiyey oo la doonayo in lasoo af meero kiiska Ceydiid oo Xukun dil ah Maxkamad kol hore ku riday.

Waxa keliya uu sugayo xukunkaasi fulintiisa waa inuu saxiixo Madaxweynaha Dalka Farmaajo balse caga jiid badan ayaa jira iyo guux taagan.

Ilo wareed ayaa sheegaya in Kulan la filayey Arbacadii shalay in Farmaajo iyo Waxgaradku yeeshaan ayaa dib udhacay taasi oo keentay in dib loo ballamo.

Ehelada Marxuum Cabaas Sheekh Siraaji waa ay diideen in la cafiyo Ceydiid oo ay xal u arkaan Tiirka inta la geeyo in la khisaaso xilli Habar gidir ay taasi ganafka ku dhufatay oo ay geed dheer iyo mid gaaban u koreyso ka bad baadinta Dilka Dable Ceydiid.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE