Sidee ku timid Gooni isu taagga Somalinad?

0

Somaliland ayaa maanta xuseysa 30 sano kadib markii ay ka go’day jamhuuriyadda Soomaaliya 1991-dii, iyada oo weli aan helin aqoonsi.

Go’aanka Gooni-u-goosashada:

Shirk ka dhacay Burco 27dii April ilaa 5tii May 1991-dii, waxaa isugu yimid beelo ku abtirsada gobollada waqooyi sida Ciise, Gedabuursi, Warsengeli iyo Isaaqa, beesha dambe ee Isxaaq ayaa beelaha kale ka dhaadhiciyay in shir February sanadkaas ka dhacay Hargeisa la isku afgartay in lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.

Go’aannada shirkaasi lagu gaaray oo 3 ahaa, waxaa saxiixay 17 ka mid ah wakiillada beelaha dega gobollada waqooyi raggaas oo mas’uul ka ahaa in gobolladaas gooni u baxaan.

Subaxnimadaa 18-kii May 1991-dii, waxaa go’aanka ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha dhexe ee SNM Ibraahim Meygaag Samatar Iyo Guddoomiyaha SNM Cabdiraxmaan Cali Tuur iyaga oo sheegay in si rasmi ah uga go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya, dibna ula noqdeen xuriyadooda.

Cigaal waxaa uu cinwaan u ahaa Midnimada iyo Gooni-u-goosashada:

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.

4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah.

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqdishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, taas oo dhacday 1-dii July 1960-kii.

Abaarihii Saqdii dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo Calanka laga taagay bartamaha Muqdishu iyadoo mar kale ayaa la qaaday hestii “Kana Siib Kana Saar”

July 1, 1960: waa maalinta Soomaaliya, maalintii xuriyadda iyo midnimada, Waa maalintii ay Soomaaliya ka xurowday gumeystaha Talyaaniga iyo sidoo kale ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

March 30, 1960: Waxaa dalka ka dhacay doorashadii ugu horeysay, SYL ayaa ku guuleysatay 69 ka mid kuraasta 123-da ah ee Baarlamaanka.

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka

1. Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
2. Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
3. Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo Wareysi bixiyay 1991-kii kadib gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada ay ku timid Caadifad iyo Qorshe la’aan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,