Siciid Dani Oo Deg Deg U Gaaray Gaalkacyo Lana Kulmay Xaaf & Warar Xasaasi Ah

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa waxa uu gaaray Magaalada Gaalkacyo Ee Caasimada Gobolka Mudug.

Siciid Dani ayaa waxaa kaga sii horeeyey Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug kaasoo dhawaan kasoo laabtay Nairobi.

Kulan gaar ah ayaa waxa yeeshay maanta Siciid Dani iyo Axmed Xaaf kuwaasi oo ka hadlay Dagaalka siyaasadeed Ee Dawlada Dhex kula jirto Maamul Gobolleedyada.

Iskaashiga Amniga iyo La dagaalanka Argagaxisada ayey Puntland iyo Galmudug iskula soo hadal qaadeen Kulankooda iyo sidii Gaalkacyo Nabada ka islaaxday loo sii xoojin lahaa.

Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa waxay Colaadin kula jirtaa Dawlad Gobolleedka Galmudug,iyadoo sidaas oo kale Xiriir ahaan dhanka Siyaasada uusan wanaaganeyn Puntland iyo Jubbaland.