Shuruudaha laga rabo Murashaxiinta utaagan Aqalka Sare oo lasoo saaray

0

Qoraal ka koobnaa seddex bog oo ay soo saareen Guddiga hirgalinta doorashooyinka FEIT ee heer Federaal ayaa lagu soo bandhigay shuruudaha looga baahanyahay musharraxiinta donaayo in ay u tartamaan Baarlamaanka Aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la shaaciyey Akoontiyada lagu bixinaayo khidmadaha laga qadaayo musharraxiinta seneterada dalka inay utartamaan doona.

Shuruudaha murashaxiinta laga doonayo waxaa ka mid ah:

  • Inuu yahay muwaadin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ah
  • In uu dhimirkiisu dhan yahay ama maskaxiyan caafimaad qabo
  • In uusan ka yaraan da’ahaan 25 sano jir
  • In aanu xuquuqdiisa muwaadinimo maxkamad hakin shanti sano udambeysay
  • Inuusan ka tirsaneyn ama uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagaxisada ah sida shuruudaha lagu muujiyey
  • Inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama uu heysto waaya aranimo wax udhigma
  • Inuu heysto warqada dembi la’aanta ah CID-da heer maamul gobolleed ama mid federaalka ah.

Murashaxiinta Aqalka sare ayaa lacagta diin waan gelinta laga doonayo waxay tahay ragga oo laga rabo 20 kun dollar halka haweenka aqalka sare utartamaya ay bixinayaan 10 kun dollar.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka FEIT ee heer Federaal ayaa qoraalka ay soo saareen waxay kaloo ku sheegeen inay ku dedaalayaan sidii doorasho xor iyo xalaal ah uqaban lahaayeen iyagoo sheegay inaysan culeys gaar ah saari doonin Xubanha Baarlamaanada Maamul gobolleedyada oo doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Afar cisho kadib oo 25 bisha ku beegan ayaa loo qorsheeyey inay dhacdo doorashada Aqalka sare taas oo diyaar garowgii u dambeeyey hadda loogu jiro.