Home WARARKA Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Ka Dhacay Kismaayo & Axmed Madoobe Oo...

Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Ka Dhacay Kismaayo & Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay….

0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Ugu horayn Axmed Madoobe ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada amniga Jubbaland iyo Guud ahaan Xaalada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Sheegay in kulanka golaha amniga Jubbaland iyo waxyaabahii Todobadkan looga hadlay iyo Qiimayn lagu Sameeyay Go’aamadii Amni ee horay loo qaatay.

Wasaaradaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,Wasaarada Maaliyada,Wasaarada Arimaha gudaha & Kuwo Kale ayaa soo gudbiyay waxyaabaha Uqabsoomay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kula dar daarmay Wasiirada inay Shaqadooda sii laba jibaaraan,dadkana loo adeego si hufnaan ku jirto.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE