Home WARARKA Shirkadda Danab oo ka qeybgashay Bandhiga Ganacsiyeedka ee Somali Real Estates And...

Shirkadda Danab oo ka qeybgashay Bandhiga Ganacsiyeedka ee Somali Real Estates And Construction (SORECO)

0
SHARE

Shirkadda Danab oo ka mid ah Shirkaddaha keena Dalka Qalabka korontada iyo Electrooniga ayaa ka qeybgashay Bandhiga Ganacsiyeedka ay qabatay Somali Real Estates And Construction (SORECO) Expo,waxa ayna ku soo bandhigtay Adeegyada kala duwan ee Bulshada u heyso.

Maamulka Shirkadda Danab ayaa Warbaahinta u sheegay in Sanadkaan ay Dalka keeneen Qalab badan oo dhanka Korantada iyo Electrooniga  oo baahi weyn loo qabay.

Macaamiishada Shirkadda Danab oo bandhiga Ganacsiga ka soo qeybgalay ayaa ku aamanay habka ay ula dhaqmaan,waxa ayna bogaadiyeen Shaqada Gacansiga ee Bulshada u hayaan.

Qalabka ay keento Shirkadda Danab ayaa leh tayo sare oo muddo ku heynkara Alaabta aad ka iibsato,iyada aysan jirin Welwel in isla markiiba ay ciladi ku timaado.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE