Shirkad laga leeyahy Imaaradka Carabta oo dib uga howlbilowday Somaliland

0

Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubia ee laga leeyahay Imaaradka Carabta ayaa maanta dib u bilowday socdaalkii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa ee maamuka iskiisa ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland.

Fly Dubia ayaa isbuucuu saddex jeer ka dagi doonta garoonka caalamiga ah ee Cigaal wixii ka bilowda 10 August ee sanadkan 2021.

Diyaarada FlyDubia ayaa kordhineysa duulimaadyada ay ku tagto wadamada Afrika iyadoo markii hore oo ay joojineysay duulimadyad Somaliland ay u joojisay amarka dowladda Federalka Soomaaliya oo ay u hogaansatay.

Dib u bilaabidda socdalka Hargeysa aya waxaa ka hadlay madaxa shirkadda FlyDubia ninka lagu magacaabo Ghaith Al Ghaith kaa oo sheegay iney ka go’antahay sidii uu waxbadan u daboli lahaa baahiyaha saaxiibada Somaliland, ganacsatada, Qurbo joogto iyo siyaasiyiinta dooneysa iney tagaan Somaliland.

Shirkadda diyaaradaha Flydubia ayaa noqoneysa shirkadii ugu horeysay ee tagta Somaliland waxaana shirkadan ay sidoo kale ka shaqo bilaabi doontaa magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Muqdisho-Somalia