Shirka doorashooyinka ee Afisiyooni oo furmay iyo caqabadaha hor taagan inuu guuleysto

0

Waxaa goordhaw Teendhada Afisiyooni ka bilowday shirkii Madaxda Somalia iyo Maamul-goboleedyadu oo Labadii maalin ee la soo dhaafay hakadka ku jiray.

Shirkan ay madaxda DF iyo shanta Maamul-goboleed ay ka wada qayb gelayaan ayaa  sidaa kale galay maalintii saddexaad iyadoo rajo laga qabo in dhinacyada ay isku soo dhawaadaan.

Waxaa shirkan  lagu tilmaamay mid hordhac ah oo lagu dejinayo ajendaha shirka rasmiga ah kaddib markii shuruudo noocaas ah lasoo jeediyey ayaan weli horseedin wax jid ah.

Beesha caalamka oo u muuqata mid la yaabban xujooyinka badan iyo xal la’aanta Soomaalida ayaa iyaduna xalay War Saxaafadeed ay soo saartay ku dalbatay in xeer jajab la gaaro iyada oo la eegayo Ramadaanka fadligiisa.

Lama oga in madaxweynaha uu sameyn doono Tanaasul maadama uu yahay mas’uulka ugu sareeya iyadoo laga dalbaday inuu saxiixo warqad uu ku dhimayo awoodihiisa siyaasadeed islamarkana uu ku wareejiyo Rooble.

Puntland iyo Jubbaland ayaa dhanka kale doonaya in shirka ay ka soo qeyb galaan Madasha Badbaado Qaran iyada oo sidoo kale ay dood ka taagantahay kuraasta gobalada Waqooyi ee doorashada Soomaaliya waxaa sidoo kale laga wada hadli doonaa arrinta gobalka GEDO oo dowladda ciidan ku daabusho had iyo jeer.

Wey adagtahay in arrimahan oo dhan la isku waafaqo in xal laga gaaro.

Shirkan ayaa isha lagu wada hayaa hadii maalmahan la isku fahmi waayo waxaa suuragal ah iney la wareegto Beesha Caalamka.

Muqdisho-Somalia