Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media) Abdirisak Abdikadir Mohamed ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirka todobaadlaha ah ee Agaasime waaxeedyada Wasaaradda.
Shirka oo uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir, Wasiir kuxigeenka & Wasiiru Dowlada ayaa waxaa Agaasime Waaxeed walba looga dhagaystay waxa u qabsoomay inta uu joogay xafiiska, Wax-yaabaha aan u qabsoomin & sababaha ay u qabsoomi waayeen.
Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Mudane Axmed Maxamed Iimaan ayaa furay shirka waxa uuna ku soodhoweeyey Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud in ay ka warbixiyaan waxqabadkooda.
Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media) Abdirisak Abdikadir Mohamed ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Soomaaliya ayaa sheegay in inta uu joogay shaqada ay u qabsoomeen shaqooyin aad u farabadan isla markaan mudadii koobanay ee ay jirtay xukuumadda Dan-qaran Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay kaga jirto kaalimaha hore.
Agaasime Abdirisak Abdikadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Hawlaha Guud ay dhowaan ay daa-furi doonto Mashruuca dhismaha Waddooyinka Gobolada Dalka, halka sidoo kale la bilaabi doono horraanta sanadkan 2023 mashruuc wayn oo ah dhismaha Waddooyinka waawayn ee isku xira Wadamayada geeska Africa & maagaalooyin dekedaha dekedaha ee Dalka.