Shir R/wasaare Rooble la yeeshay maanta Guddi uu dhawaan magacaabay (Akhriso)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo kusugan dalka ingiriiska kulan la qaatay Xubnaha guddi uu dhawaan magacaabay.

Kulanka oo habka fogaan aragga kula Shiray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS,ayaa ku bogaadiyay howsha loo igmaday, kulana dardaarmay inay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiyada doorashada, Madaxda dowlad-goboleedyada & bulshada rayidka ah.

Guddigaan oo Batuulo Gabale ay madax utahay ayaa waxay sheegeen inay ubaahan yihiin si cadaalad ku jirto inay ku helaan xaqooda.

Kulanka Zoomka ka dhacay maanta ee Rooble shir gudoominayey waxaa ka qeyb galay Abuukaato Cumar Cabdulle Dhageey,wax badan ayaana la isla meel dhigay.