Shir Ka Dhacay Maanta B/weyne & Arimaha Mooshinka Madaxda HirShabelle Oo Sii Kordhay

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Waxa kulanka looga hadlayey sida la sheegay Hormarinta Deegaanada HirShabelle,iyadoo uu ka dhacay magaalada B/weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan.

“Waxaan Maanta Magaalada Beledweyne kulan Qado ah oo aan uga hadleynay xaaladaha kajira Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiran la qaatay Qaar kamid ah Xildhibaanada DG Hirshabelle ee kusugan Beledweyne,waxaan uga mahadcelinayaa talooyinkii wanagsanaa ee kusaabsan xal uhelida Gobolka Hiiran iyo sida ay uga go’an tahay samata bixinta xaaladaha murugsan ee kajiray Gobolka Hiiran ayuu yiri Gudodomiye Cusmaan Barre.

Gudoomiye Cusmaan Barre & Madaxweyne Waare ayaa waxaa la hadal hayaa in mooshin laga diyaariyey oo dhawaan in lagu qaado laga yaabo.

Magaalada B.weyne iyadoo sidaas kulanka maanta uga dhacay hadana wararka Jowhar naga soo gaaray waxay sheegeen in ay sii kordheen xildhibaanada ololaha Mooshinkaasi ku jira.

Dhanka Madaxweyne Waare waxaa la sheegay in uu bilaabay hor istaaga Mooshinka isaga ka dhanka ah xildhibaanada ku kacsana ballan qaad usameeyey bal inay leebka ay kusoo jeediyaan ka leexiyaan.