Shir albaabada uxiran oo maanta xildhibaanada baarlamaanka Puntland yeesheen

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen oo ay yeesheen Golaha Wakiillada ayaa looga hadlay dar-dargelinta shaqada Golaha Wakiillada si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha.

Kulanka ayaa Ajandaha kaga jiray Qodobka 6-aad kaas oo ku saabsanaa Isla Xisaabtanka Golaha Wakiillada dhexdiisa.

Waxaana si faah-faahsan looga hadlay xoojinta  shaqooyinka Guddiyadda, Metelaada Xildhibaanada, ka qeyb-galka Fadhiyadda Golaha iyo habraaca korjoogteynta hay’adaha Dawladda.