Sheikh Shariif oo kashifay Ciidamo uu Fahad Yaasiin Qorayo Xilli Habeen ah & dalalka loo dirayo

0

Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu daah furay Madasha Xisbiyada Qaran,waxaana ka soo qeyb galay munaasabada Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa ka dhacday Hoolka Sahal, waxaana khudbado kala duwan oo dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeyb galay.

Waa bandhig kale oo Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin, waxaa mar kale la filayaa inay diraan farriin siyaasadeed oo culus.

Guddoomiyaha Madasha Shiikh Shariif oo khudbad jeedinayey ayaa sheegay inay shaki weyn ka qabaan ciidamo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Nabadsugidda kuwaas oo la qoro habeen isla markaasna loo daabalo laba dal.

Shiikh Shariif ayaa is waydiiyey su’aal ku saabsan sababta keentay in ciidamadaas kaliya loo diro labadaas dal.

“Shaki weyn ayaa ka qabnaa Ciidamo habeen la qoraayo oo Nabadsugida qoreyso, oo labo dal loo dirayo”ayuu yiri.

Inkastoo aanu Shariifka carabaabin dalalkaas, hadana Waxaa horay u jirtay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar.

Dalalka Eritrea iyo Qatar ayaan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.