Sheekh soomoow oo si dadban farta ugu fiiqay Wasiir Rooboow

0

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed (Soomoow) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay shirweynaha culimada ee maanta ka furmay Muqdisho.

Hadalkiisa ayuu farta ku fiiqay inay jiraan xubno fikirka xagjirka wax kasoo agaasimay hadana ay dawladda ku jiraan,waxaana warkiisa loo fasiran karay in Wasiir Rooboow uu ku dhego hadlayey.

Balse Sheekh Soomoow ayaa meel kale uwareejiyey xilli wasiirka diinta iyo awqaafta soomaaliya mukhtaar rooboow abu mansuur uu madasha kusugnaa.

Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku jiraan xubno la shaqeysta Al shabaab,balse waxaa la sheegay in ay is qariyaan oo hadda dawladda madaxweyne xasan sheekh ay sheegtay in ay la dagaalameyso al shabaab iyo kuwa la shaqeeyo intuba.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA