Sheekh Shariif oo dalab xasaasi ah u gudbiyay xukuumadda Soomaaliya

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa si weyn u cambaareeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dowladda Federalka u dirtay wadanka Ereteria kuwaa oo lasoo sheegayo iney ka qeyb qaateen dagaalkii Tigreega.

Sheekh Shariif ayaa xusay in uu aad kaga walaacsanyahay warbixinta ergeyga gaarka ah ee QM arrimaha xuquuqul insaaanka kaa oo cadeeyay in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb qaateen dagaalkii Itoobiya ay la gashay TPLF.

Waxa uu madaxweynihii hore ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyay halka ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas waxaana uu xusay in la dhageysto oo la dareemo ilinta waalidiinta ubadkaas dhalay oo jawaab la siiyo.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxweyne Sheekh Shariif

Waxaan ka walaacsannahay Warbixinta ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka ee ka hadlaysa xaaladda askarta Soomaalida ee loo qaadey Eritrea ee lagu sheegey ku lug lahaanshaha dagaalka Ethiopia.

Waxaan ku baaqeynaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo halkii ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas, iyadoo aan Xukuumadda usoo jeedinayno inay ka jawaabto baaqyada waalidiinta ubadkoodu maqan yihiin oo warbixinta lagu sheegey in ay qayb ka noqdeen dagaallo ka dhacay magaalada Agsum ee gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii waxaan walwalka la qaybsanaynaa waalidiinta iyo ehelka dhalinyaradaas la la’yahay, waana arrin ay tahay in mas’uuliyaddeeda lagula xisaabtamo madaxda dowladda ee ka dambeeyey falkaas foosha xun.

Muqdisho-Somala