Sheekh Shariif Oo Rajadii Dawladnimada Dhulka Geliyey & Saameynta Khudbadiisii Maanta

0

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu khudbadii Kismaayo maanta ka jeediyey Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe quus ku riday Dawladnimada Soomaaliya.

Waxa uu Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheegay in Rajadii Dawladnimada ay qabeen soo dhamaatay Sidaa awgeedna ay maamul gobolleedyada ka rabaan inay dadkooda mideeyaan.

Khudbadaasi waxay aheyd mid saameyn leh,isagoo si gaar ah ula hadlay Axmed Madoobe iyo Siciid Dani,waxaana uu sheegay in Dawlada Dhexe ku fashilantay ku dhaqanka Sharcigii lagu doortay.

Sheekh Shariif waxa uu soo hadal qaaday Xad gudubka iyo fara gelinta lagu hayo Doorashada la filayo inay ka dhacdo Galmudug,sidaas si la mid ah ayuu sheegay in HirShabelle iyo Koonfur Galbeedna madaxa looga taagan yahay.

Arimaha Dawlada Federaalka ayuu ku dheeraaday,taas oo laga dareemayey inuu nafis ahaan carada iyo ciil kaambiga uu ku jiray isaga saarayey Khudbadiisii maanta Sheekh shariif ka jeediyey Caleemo saarka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa ku bogaadiyey Hormarka Reer Jubbaland iyo Xaflada uu maanta kasoo qeyb galay Hambalayana udiray Axmed Madoobe.