Sheekh Shariif Oo Hore Baydhabo Ugu waday Xubno Murashaxiinta Ku jira

0

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu udhoofay maanta Duhurnimadii Magaalada Baydhabo Janaay Ee Gobolka Bay.

Shariifka ayaa ujeedka socdaalkiisa waxa lagu sheegay inuu doonayo xod xodashada Xubnaha Baarlamaanka ugu badan labada Aqal maadaama ay ka imaanayaan Koonfur Glabeed in ololihiisa doorasho uu is dhis ku sameeyo.

Xoghayaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka qeyb ahaa wafdiga Baydhabo uraacay maanta Shariifka.

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran,Ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran,Ahna Gudoomiyaha Midowga Murashaxiinta Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ah shakhsi Saameyntiisa siyaasadeed muuqato.

Kulamo ayuu la qaadan doonaa inta uu Baydhabo kusugan yahay Madaxweyne Lafta gareen,Gudoomiye Cali Siciid Fiqi iyo Bulshada Reer Baydhabo.