Sheekh shariif oo hal arin haduu ka gudbo noqon kara madaxweynaha cusub Soomaaliya

0

Madaxweynaha cusub ee soomaaliya tartanka loogu jiro ayaa sii xoogeystay labo cisho ka hor xilliga la qabanayo doorashada lagu kala bixi doono,iyadoo murashaxiin is hor ordaya ay jiraan.

Calafka kursiga madaxweynaha 10aad waxa qaadan doona shakhsiga rabi ugu talo galo balse ololaha socda iyo kulamada ka jira xamar ayaa weji kale abuuraya qaab saadaalinta la sameyn karo.

Waxaa hubaal ah in tartanka lagu kala hari doono qeybta koobaad islamarkaana ay isbaheysyo ay bilowdeen durba oo murashaxiinta codadka iskugu shubi doonaan.

Xogta ayaa sheegeysa in hal tallaabo hadii uu qaado sheekh shariif ay sahal ka dhigi karto madaxweynaha cusub in isaga uu noqdo.

Odoroska jira ayaa ah in wareega koobaad haduu uu ka gudbo hogaamiyaha xisbiga himilo qaran shariifka uu cagta marin karo murashaxiinta kale codkana ay isaga wada mari doonaan.

Seddex siyaabood ayaa lagu micneeyey in taas lagu sameyn karo waana mida koobaad:
1: Sheekh shariif oo loo arko inuu yahay hogaamiye samata bixin kara xaalada dalka ku jiro dhanka siyaasada iyo soo celinta xiriirka dalalka caalamka.

2: Shariif sheekh Axmed waa mid lagu dooran karo inuu yahay dagaalka Al Shabaab mid ka dhabeyn kara,si cadna deegaanada ay joogaan uga saari kara

3: Sheekh shariif ayaa ah mid xalin kara Dawlad gobolleedyada marka ay khilaaf soo kala dhex galaan DF islamarkaana dib usoo nooleyn kara wada hadaladii Soomaaliya & Maamulka Soomaaliland oo in muddo ah hakad galay.

Saacado ka hor Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan oo muhiim ahaa ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, iyo dhameystirka doorashooyinka dalka oo heerkii ugu dambeeyay maraya.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shariif uu taageero ka helay guudlaawe islamarkaana loo ballan qaaday codka xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Hirshabelle badankood.

Dib usoo nooleynta hamiga madaxweyne shariif iyo inuu xukunka kusoo laabto ayaa waxay ka micno tahay in kulamadii ugu dambeeyey ee nairobi iyo muqdisho ka sameeyey uu guulo waa weyn kasoo hooyey.