Shaqsi toogasho loogu xukumay dilka mas’uul ajnabi ah oo ka baxsaday xabsiyada Puntland

0

Wararka laga helayo degaanadda Puntland ayaa ku waramaya in shaqsi AlShabaabnimo loogu xukumay dil toogasho uu ka baxsaday xabsi ku yaala magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Ruuxan oo magaciisu yahay Mahad Xasan Xuseen kana soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa loo haystaa dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekadda magaala xeebeedkaas.

Illo wareedyo ayaa u dusiyey Warqaad in shaqsigaas uu faktay habeenimadii Talaada, isla markaana ilaa iyo haatan aanan la ogayn goobta uu jaan iyo cirib dhigay balse lagu raad-joogo.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in sarkaal ka tirsan ciidamadda ammaanka loo xiray tuhun ku aadan in uu fududeeyay sii deynta shaqsigan oo iska fogeeyay in uu wax dambi ah galay.

Dilka Paul Farmosa ayaa waxaa dusha saaratay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Baxsashadda Mahad ayaa kusoo aadeysa iyadda oo uu magaaladda Boosaaso ku sugan yahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo safarkiisu yahay mid laga qariyey guud ahaan warbaahinta.