KASHIFAAD: Cumar Filish oo hor istaagay arin muhiim u aheyd shaqaalaha

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudi ka socday dadka deegaanka ee Waddada Buula Xubeey iyo rugta Ganacsatada Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlana qiimeeynta xal u helida dhibaatada soo noq noqotay ee kajirta wadadaasi.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamed (Caana-Boore) ayaa Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish waxa uu faray in si deg deg ah maalmaha soo socda looga howl bilaabo in xal waaro laga gaaro  Waddada Buula-Xubeey, maadaama ay kamid tahay Wadooyinka ugu mashquulka badan ee Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa yiri “Dowlada Hoose Xamar si gaar ah ayey ugu murugeysan tahay dhibaatada uu Biyaha Roobka u geesto Waddada Buula Xubeey oo ah wado muhiim ah, waxaana marwalba ku mashquul sanahay in xal waaro oo deg deg ah u helno Wadadaasi”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa xal u helida goobaha Biya-Mareenada ah ee Caasimadda, si xiliyada Roobka aysan Wadooyinka Magaalada Muqdisho biya u fadhiisan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa lagu eedeeyey inuusan weli bixin lacagtii mushaaraadka shaqaalaha gobolka bishii lasoo dhaafay ee July,isagoo hadda udiyaar garoobaya xilka qaadis lagu sameeyo.

Cumar Filish ayaa saxiixiisa waxa uu hor istaagay shaqaalaha mushaarkooda,qaadan lahaa,islamarkaana ay sheegeen in kiro iyo waalid ay ku xiriiraan iyo carruur lacagtaasina ay ubaahan yihiin.