Shaqaalaha Garoonka Adan cade Wey arki Waayeen Kuwa Hargeysa Ayaase Qabtay

0

Amniga ayaa aad loo adkeeyaa qofka markii uu ka duulayo Muqdisho,garoonka Diyaaradaha,waxaa uu sii maraa dhowr Kontarool oo lagu sii baaro.

Ciidanka AMISOM,kuwa Amniga iyo Shaqaalaha garoonka ayaa qalab iyo Gacan marin Intaba lagu baaraa Qofka markii uu dhoofayo.

Waxa intaas kadib qofka uu ugudbaa,qeybta Sugitaanka Diyaarada oo ah Howl ballaaran,qofka dibada iyo gobollada dalka ay is dhex fadhiistaan,oo qeyb qeyb meelo ah ma jiraan.

Garoomada Caalamiga ah waxaa Terminal kasta uu qofka meesha diyaarada uu ka baxayo ka duwan yahay diyaarada kale meesha ay usocoto,waase la gaari doonaa midaas insha allaah.

Hormarka ka jira Garoonka waa in Dhaqaale badan laga sameeyo Dadka intay joogaan qeybta sugitaanka oo ka badan labo jibaar sheyga markii garoonka laga baxo inta la iibiyo qiimo ahaan.

Boorso aan watay ayaa waxaan ku ilaabay carfiso yar,waxaana dhamaan mishinada garoonka Adan Cabdulle ilaa Sahal qeybta barista ee baska laga raaco la ima sheegin carfisada.

Waxaan usafrayey Hargeysa,waxaan tegay Garoonka Cigaal oo qaab ahaan udhaweyn Adan Cabdulle Bad ahaan dhulka uu ku fadhiyo,dhismaha, bilicda iyo qaabka shaqada,oo uu ka yaraa.

Danaha aan ugu socday Hargeysa ayaan soo dhameystay Bil kadib ayaana isku diyaarinayaa inay Xamar kusoo laabto,qeybta baaritaanka Garoonka Cigaal waa ka dhib yaraa kii Muqdisho,waxaan maray ilaa Seddex Goob,balse mashiinada waxaa gabar fadhiday ay ii sheegtay in Boorsada aan furo oo Carfisada kasoo bixiyo.

Ma fileyn inaan carfiso wato,waayo waxaan ogaa inay mamnuuc tahay carfiso iyo wax la mid ah oo dareeri ah ama oxygen leh aan diyaarad lala raaci Karin.

Waan kasoo tegay Carfisadii,su’aal ayaana isweydiiyey sida Adan Cade Uga soo gudubtay Carfisada,mise shaqaalaha shan ilaa lix koontarool waa ay wada arki waayeen?

Ujeedkeyga Warbixintani waa in hubinta wax walbo oo ka baxa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu dedaalo,iyadoo Mishinada la isticmaalayo.