Shan Qodob oo Diiradda lagu saari doono shirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaaraha UK

0

Dalka Ingriiska iyo Soomaaliya ayaa wada martigelinaya maalinta Isniinta (Nov. 20) shir-madaxeed heer Caalami ah oo looga hadlayo sidii loo sugi lahaa cuntada adduunka si loo dardargeliyo wax ka qabashada gaajada iyo nafaqo-xumada.

Dalka Ingriiska ayaa isu keenaya 20ka Nofembar (Berri) DOWLADO KALA DUWAN, ururo caalami ah, saynisyahano, hay’ado iyo ganacsato si dib loogu habeeyo dhibaatada haqab-beelka cuntada ee adduunka.

Isbeddelka cimilada, iskahorimaadka, saameynta muddada-dheer ee Covid-19 iyo saameynta sahayda cuntada adduunka ee duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sababay cunno yaraanta Adduunka maanta jirta.

Shirmadaxeedka ay UK martigelisay ayaa sahamin doona sida hal-abuurnimada, iskaashiga iyo horumarradii ugu dambeeyay ee tignoolajiyada ay u xaqiijin lahaayeen sugnaanshaha cuntada ee muddada dheer iyo horumarinta nafaqada ee dadka ku nool waddamada ay sida adag u saamaysay.

SHIRKU WUXUU DIIRADA SAARI DOONAA:

– Habab cusub oo wax looga qabanayo dhimashada laga hortagi karo ee carruurta.

– Dhisidda nidaam cunto adkaysi u leh cimilada oo waarta.

– Sidii loo taageeri lahaa waxqabad hore si looga hortago loona yareeyo saamaynta dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

– Isticmaalka sayniska iyo farsamada si kor loogu qaado sugnaanta cuntada.

Muqdisho-Somalia