Home WARARKA Shabaab Oo Cashar Lama Ilaaawaan Ah U Dhigay Ciidankii Weeraray Xalay Awdhiigle...

Shabaab Oo Cashar Lama Ilaaawaan Ah U Dhigay Ciidankii Weeraray Xalay Awdhiigle & Wixii Dhacay Ay Sheegeen

0
SHARE

Ururka Al Shabaab ayaa waxay Sheegeen inay iska difaaceen weerar la qorsheeyey oo Xalay lagu qaaday Deegaanka Awdhiigle Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Idaacada Afka Al Shabaab ku hadasha Andalus ayaa faah faahin ka bixisey sida ay wax udhaceen,iyadoo la tilmaamay in diyaarado ay markii hore duqeymo dhaceen kadibna la sheegay in ciidan ay dhulka usoo dageenka.

Sargaal uhadlay Al Shabaab ayaa sheegay in Ciidamadooda ay fashiliyeen weerar soo qaadeen,ciidamada Mareykanka oo ay la socdeen kuwa Dawlada Soomaaliya Ee bancraft-a loo yaqaan.

Ma aysan Al Shabaab sheegin weerarkaas khasaaraha dhankooda soo gaaray iyagoo kusoo koobay inay fashiliyeen ciidanka huwanta weerarka soo qaadeen.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay jiraan waxyeelo balse aysan ogaan karin khasaaraha inta uu la eg yahay.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa waxa lasoo sheegayaa in dad u xir xireen maanta inay kusoo hogaamiyeen ciidamada weerarka xalay soo qaadeen.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE