Home WARARKA Senetor Katirsan Aqalka Sare Oo Is Casilaadii Shariif Xasan Ka Hor Wadnaha...

Senetor Katirsan Aqalka Sare Oo Is Casilaadii Shariif Xasan Ka Hor Wadnaha Farta Ku Hayey!!

0
SHARE

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxmauud oo ka mid ah Baarlamaanka Aqalka sare Ee Soomaaliya ayaa waxa uu kahadlay Tanaasulka,Shariif Xasan Sheekh Aadan isagoo Senetorka sheegay ka hor inta uusan is casilin Shariif uu Wadnaha farta ku hayey.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY 

“Waxaan bogaadinayaa tanasulaadda uu sameeyey Madaxweynihii hore ee KGS Mudane Shariif Xasan. Mudane, Dadka KG waxay kugu xasuusan doonaan in fagaarayaal siyaasadeed aad codkooda ku matashey intii aad siyaasada Soomaaliya ku jirtey.

Qaar badan oo reer KG ah ayaa kugu dhaliiley maamulka gudaha iyo adeeg gaarsiinta deegaanada sanadihii aad KG maamuleysay. Waxaan filaa fursadda xigta inaad ka fikireysid!

Dad badan oo aniga aan ka mid ahay waxaa ay ka walaacsanayeen welina ka ka cabsi qabaan Arrinta Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed inay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo. Tanasulaadaada waxaa ay hoos u dhigaysaa qayb ka mid ah walaaca doorashada. Balse aniga shakhsi ahaan weli cabsi badan ayaan qabaa anoo rajo weyn ka qaba in maskaxda shaqeyso la iskana ilaaliyo wax walba oo qalalaase keeni kara.”

Koonfur nabad haku waarto hana is maamusho.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE