Senator Faroole oo garab istaagay Axmed Madoobe si ba’anna u weeraray Farmaajo

0

Madaxweynihii hore ee Puntland hadana ka mid ah Golaha Aqalka sare Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeedinaayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay horumarinta dalka.

Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole.

Dhammaan Xaaladdaha Jahwareerka ah ee dalka ka jira ayuu sheegay in uu sabab u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo aan diyaar u aheyn.

Madaxdii ka qeyb hashay Xafladda caleema saarka Axmed Madoobe ayaa dhammaantood waxay qireen in Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne ay tahay Dowlad kaligii talis ah,islamarkaana wax kasta jeebka ku wadata.