Home WARARKA SAWIRRO: Maxaadan ogeyn uu R/wasaare Abiy u sameeyay Madaxda ka qeyb galeysa...

SAWIRRO: Maxaadan ogeyn uu R/wasaare Abiy u sameeyay Madaxda ka qeyb galeysa Shirka M/Afrika?

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xalay magaalada Addis Ababa ugu sameeyay casho sharaf Madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulanka cashada ayaa ahaa mid ay Madaxda isku xog wareysteen, iyadoo la arkayay qaar ka mid ah Madaxda Afrikaanka oo fanaanad isku eg oo ah hidiyo dhaqanka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb gashay xaflada casha sharafta, waxaana ay isku arkeen Madax kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jabuuti.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta furmaya, waxaana Madaxda lagu casuumay ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE