SAWIRRO: Khayre oo si heer sarre ah loogu soo dhaweeyay Xudur iyo balanqaad uu sameeyay

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa waxa uu maanta oo Arbaco ah waxa uu gaarey magaaladda Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo hoos tagta maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Khayre oo ay wehliyeen mas’uuliyiin kale ayaa waxaa uu meel fagaaro ah uu kula hadlay dadweyne loo diyaariyey soo dhaweynta wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah, kaasi oo khudbad ka jeediyey.

Isaga oo ka hadlayey madasha ayaa waxa uu sheegay in ay ka shaqeyn doonto xukuumadiisa sidii go’doonka ay magaaladaasi ugu jirto AlShabaab looga saari lahaa gebi ahaanba ah.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in laga fulin doono magaaladda mashaariicyo horumarineed, kuwaasi oo ay kaalin weyn ka cayaarayaan qaar kamid ah dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

Sikastaba h ahaataee, socdaalka Khayre ee magaaladaasi ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo uu ku tago halkaasi taariikhdiisa inta la ogyahay, labaduba inta uu xilka qabtay iyo kahorba.