SAWIRRO: Guddoomiye Mursal oo ku adkeysanaya go’aan ka dhan ah V/Somalia

0

Waxaa aad walaac uga taagan yahay in dib u dhac uu ku yimaado doorashooyinka la filayo ineo dalka ka qabsoomaan 2020/21,kaas oo horay Dowladda Federaalka u balan qaaday.

Iyadoo walaacaan uu ku jiro ayaa hadana Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxay la kulmeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

“Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Golaha Aqalka Sare uu ku leeyahay Facebook.

Waxa sidoo kale lagu yiri “Warbixinta Guddiga Wadajirka ee Labada Gole waxaa jeediyay Gudomiyaha Guddiga, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.”

Kulankan oo Saxaafadda ay dibadjoog ka ahayd ayaa si furan uga qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka, oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Tiro sawirran ah oo lagu soo bandhigay bogga Golaha Aqalka Sare ayaa muujinaya in masuuliyiintii kulanka ka qaybgashay ay wa-xooggaa kala dudursanaayeen, baqdinta laga qabo faafitaanka COVID-19 awgii.

Siyaasiyiinta mucaaradka waxaa ay marar badan ka diggeen dib u dhac ku yimaada xilligii loogu talagalay inay ku qabsoomto doorashada dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa ku adkeysanaya inuu furo kalafadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka xilli xaalad adag uu dalka ku jiro,waxayna Xukuumadda Federaalka naawileysaa in dib loo dhigo furitaanka kalafadhiga 7-aad ee Baarlamaanka si doorashada soo socota dib loogu dhigo.