Home WARARKA SAWIRO: RW Ku-xigeen Mahdi oo kormeer shaqo ku tagay Hay’adda Cilmi baarista...

SAWIRO: RW Ku-xigeen Mahdi oo kormeer shaqo ku tagay Hay’adda Cilmi baarista Badda Somalia

0
SHARE

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay  Xarunta Hay’adda Cilmi barista badaha Soomaaliya oo hoostagta Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,waxaana kormeerka Mr. Mahdi Maxamed Guuleed ku wehlinayay Wasiirka iyo  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuled  ayaa waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Madaxda Hay”adda Cilmi barista Baddaha Soomaaliya, isagoona warbaxin laga siiyay qaab dhismeedka Hay”adda iyo shaqada ay Qaranka u heyso.

Madaxda iyo shaqaalaa Qeybta Cilmi barista ee Hay’adda ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka iyo xubnaha kormeerka shaqo ku wehlinayay la wadaagay cilmi baaris ay ka sameeeyen Badaha Soomaaliya bartamaha iyo koonfurta, iyagoo soo bandhigay Muuqalo cadeynayo Haaman  wasaqeysan oo sun ku jirta oo lagu shubay Baddeena, taasoo u baahan wax ka qabasho.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa Ra”iisul Wasaare ku_xigeenka  ugu mahadcelisay kor joogteynta shaqada iyo dheera gelinta Hay”addaha Dowladda, waxayna  xustay in Dowladda ay ugu baahan tahay Hay”addan  si loo dar dargaliyo shaqadan ay Qaranka u  heyso taagero.

Mudane Mahdi Maxmaed Guuled(Khadar). Ra”iisul Wasaare ku_xigeenka dalka ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha Hay”addan iyo madaxdooda shaqada wanaagsan ay hayaan, islamarkaana ugu baaqay in ay xoogga saaraan cilmi baaris wax gal ah si dalkeenna horumarkiisa sare loogu qaado.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE

LEAVE A REPLY