Sarkaal Sare oo ka tirsanaa AMISOM oo meydkiisa laga helay xerada Xalane ee Muqdisho iyo Warar Sheegaya in…

0

Wararka laga helayo dalka Uganda ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska AMISOM, kana soo jeeda dalka Uganda meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho,.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Edward Bagonza, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Uganda ee lagu biiriyey Booliska AMISOM ee ka howlgala caasimadda Soomaaliya, iyadoo meydkiisa laga helay halkii uu deganaa habeenkii 7-dii bishan September 2019, sida ay qortay saxaafadda Uganda oo so xigatay madaxa Boolisha Uganda u qaabilsan howlgallada taageeradda nabadda Grace Turyagumanawe.

Faahfaahin lagama bixin geerida sarkaalkan Ugandes-ka ah ee ka mid ahaa ciidamada Booliska AMISOM, waxaana aaskiisa lagala xiriiray madaxda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, wuxuuna ka mid noqonayaa saraakiil badan oo Uganda uga dhigtay Somalia.

!3 sarkaal oo ka mida Booliska dalka Uganda ayaa sanadkan horaantiisii lagu biiriyey Ciidamada Booliska AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho.