Sargaal Ciidan Oo Awoodiisa Adeegsaday Xilli Amar Xalay Lasiiyey Uu Jabiyey

0

Ciidamo hubaysan oo katirsan bilayska Puntland ayaa xalay gudaha u galay hoyga ay magaalada Garowe ka degan tahay Kutubo Cali Axmed oo dhowaan iyadoo cadaalad xumo tirsanaysa warbaahinta cabasho soo marisey.

Askarta guriga tagay ayaa watay sida la sheegay baabuur muraayado madoow oo ah nooca loo yaqaano Probox iyadoo dadka ay cabsi dareemeen ee deriska la ahaa Qoyskaasi.

Askartaan ayaa la tilmaamay in ay kasoo saareen gurigeeda kuna qaaday baabuurkii ay wateen balse sarkaal katirsan Booliska oo watey hawlgalka hooyadaan lagu soo qabanayey balse sheegay inuusan ogayn qofka loo soo diray inay iyada tahay ayaa gartay markii baabuurka lasoo geliyey una sheegay inay fasaxan tahay isaguna raadin doono sababta loo xirayo.

Ilaa hadda may ogaan cida soo amartay soo qabashadeeda.