Sarbeebtii Muuse Suudi Oo Fal Celin Ka Timid & Sida Loo Fasiray

0

Senetor Muuse Suudi Yalaxoow ayaa waxa uu khudbad ka jeediyey Kulan Beelaha Mudulood iskugu yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Waxa Khudbadaasi uu ku weeraray Siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin Ee Doorashada boobka ah ku doonayaan.

Muuse Suudi oo ka mid ahaa hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho caanka ka ahaa ka hor intii Maxkamadaha Islaamka Muqdisho iyo Bartamaha dalka la wareegin ayaa sarbeeb ku duray Madaxda Dalka.

Waxa uu hadalkaasi ahaa in Dhalinyarada Askarta ah aan loo adeegsan bur burinta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed,oo hadhowna keligood dembiga dusha loo saarin.

Fal celin badan ayaa ka timid Hadalkaasi iyadoo siyaasad ahaan dhinacyada Nabad iyo Nolol taageersan ku sheegeen Warka Muuse Suudi mid uu ku baneysanayo dagaal dalka loo horseedo.