Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Kismaayo gaaray & Axmed Madoobe Oo Diiday Inuu…

0

Shirqool Culus oo loo dhigay Axmed Madoobe ayaa dawlada Soomaaliya waxay dejisey iyadoo Adeegsaneysa Saraakiil Ciidan Oo Itoobiyaan Ah.

Shir Qarsoodi ah ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho Xalay iyadoo uu dhexmaray Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiisha Itoobiya ka yimid.

Qorshaha ayaa ah in Axmed Madoobe laga hor istaago Doorashada Jubbaland,inkastoo waxa dhici doona laga war sugayo.

Axmed Islaam ayaa waxa uu diiday inuu ogolaado wax kasta oo fara gelin ku sameyn kara doorashada Jubbaland oo shalay xildhibaanada 73 Ah La dhaariyey.

Tani waa tijaabadii ugu dambeysay Axmed Madoobe galayo hadii uu ka gudbana waxyaabo badan ayaa ka fududaan doona,isagoo taageero ka helaya,Dawlad Gobolleedka Puntland iyo Dalka UAE sida xogaha lagu ogaaday.

Shan Sargaal oo itoobiya udhashay Xalayna ku hoyday Muqdisho ayaa maanta gaaray Kismaayo,waxaana ay kuan ka dalbadeen Axmed Madoobe,waloow faah faahin badan laga heyn wixii dhacya.

Dhanka kale waxay Dawlada Soomaaliya Wafdi uuhogaaminayo Wasiir Sabriye udiri doontaa Kismaayo Saacadaha soo socda,inkastoo aan la sheegi Karin waxay foolaneyso Kismaayo.