Saddex madaxweyne oo wada qorshe quseeya dagaalka Itoobiya & Go’aanka Aby Ahmed

0

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Shakhsiyaad caan ah oo horay Madaxweyne uga soo noqday qaar ka mid ah dalalka Afrika u xil saaray in ay  shaqeeyaan xal u helida Xaaladda Itoobiya.

Saddexda ruux ee loo xil saaray xaaladda gobolka Tigreeda ayaa kala ah  Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Liberia iyo  Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.

“Shaqadooda ayaa ah  dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Itoobiya’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Bayaanka ayaa la siidaayay kadib wadahadalo dhexmaray madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu muujiyay mahadcelintiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Mudane Abiy Ahmed ee aqbalay qorshahan, wuxuuna cadeeyay wada shaqaynta dawlada Itoobiya ee fududaynta shaqada Wakiilada Gaarka ah.