Madaxweyne Puntlanad Saciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo siyaasiyiinta mucaaradka, waxana uu sheegay in ay dhexdhexaadiyaan cuqaasha Puntland.
Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tegey maanta deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan Degmada Garoowe ayaa waxa uu ka sheegay inuu diyaar u yahay inuu miiska wadahadlka la fariisto siyaasiyiinta mucaaradka uuna cafiyay ciidamada uu hogaaminayo General Jimcaale Takar.
“Waxaan fariin u dirayaa dadkeena sida kale wax ugu muuqdeen oo labada qeybood ah wixii ciidan ah dowlada cafis u fidineysaa oo uu u weyn yahay general Jimcaale, siyaasiyiinta dowlada ka aragti duwan miiska hanala soo fariistaan wixii sharci iyo caqli ah diyaar ayaan u nahay inaan kala hadalno.”ayuu yiri Siciid Deni.
Waxa uu Madaxweynaha Puntland uu sheegay in dalka iyo dadka ay ka dhexeeyaan dowlada iyo kuwa mucaaradka balse aysan ka dhexeyn inay dagaalamaan.
“Dadka iyo dalka waa naga dhexeeyaa ra’yi waa ku kala duwanaan karnaa balse dad is xabadeyn karo ma nihin,”
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in cuqaasha ay dhexdhexaadiyaan isla markaana uu qaadanayo go’aanka ay keenaan.
“Cuqaasha ha inoo garnaqdo hadaan gardaranahay ha i qabataan hadaan garta leenahayna hana siiyaan.”ayuu yiri Deni.
Dhawaan waxaa soo baxayay cadaadis xoog leh oo la saarayo Madaxweyne Deni inuu wadahadal la yeesho mucaaradka isla markaana khilaafkooda ay xaliyaan.
Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa dhawaan shaaciyay jadwal ah doorasho Baarlamaan iyo mid Madaxweyne halka Madaxweyne Deni uu hore u shaaciyay in doorashada ay noqon doonto mid qof iyo cod ah taasoo ay ka soo horjeesteen mucaaradka.
Muqdisho-Somalia