Saadaq Joon oo loosoo bandhigay laba xil oo culus iyo midka uu doortay ee loo dhiibayo

0

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa ku warameysa in taliyaha booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon loosoo bandhigay in loo magacaabo laba xil oo waaweyn kuwaasi oo mid uu ka doortay.

Idaacadaha magaala madaxda Soomaaliya ayaa labadaas jago ku kala sheegay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska iyo waliba taliyaha ciidanka lugta ee milatariga dalka dhaca Geeska Afrika.

Mr Joon, taliyihii hore ee sirdoonka maamulka Galmudug, ayaa la sheegayaa in uu doortay jagadda labaan. Kadib marka uu Farmaajo kasoo laabto Mareykanka ayay soo bixi doontaa wareegtada.

Sikastaba ahaatee, Saadaq Joon ayaa aad ugu dhow madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan ra’iisul wasaare Khayre, oo la sheego in ay saaxiibo yihiin isla markaana uu daacad gaar ah u yahay.

Wararka ayaa waxay intaas ku daraya in xilka uu haatan Saadaq hayo loo magacaabi doono sarkaal lagu magacaabo Mahad Koorow oo haatan ah taliye ku xigeenka ilaaladda dowladda Hoose ee Xamar.

Xilka taliyaha ciidanka lugta ayaa waxaa hayey Oodowaa Yuusuf Raage, kaasoo haatan laga dhigay Taliyaha guud ee Ciidanka Xooga dalka, taasi oo uu ku muteystay wax-qabadkiisa booskiisa koowaad.