Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre,ayaa sheegay in dalka oo yeesha Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, waxana uu ugu baaqay siyaasiyiinta in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.
Sidoo kale, Mudane Xamsa ayaa xusay muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran in la gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda .
Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Muqdisho ay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan.
Muqdisho-Somalia