RW Rooble shir xasaasi ah la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada kadib shaki soo ifabaxay

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada Xildhibaanada gobollada woqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka ayaa yimid kadib markii ay soo ifbaxday in guddigan uu soo farogeliyay madaxweyne Farmaajo kaa oo ka codsaday iney fuliyaan danahooda doorashada.

Muqdisho-Somalia