RW Rooble oo war ka soo saaray Jadwalka cusub ee kasoo baxay Guddiga Doorashada Federaalka (AQRI)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa sheegay in si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) kana saaran hirgelinta doorashooyin degdega, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabayo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe.

GHDHF wuxuu shaaciyey jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 May lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya.

Jadwalka cusub meelaha qaarkood uga duwan kii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, iyadoo lagu qoray 7 Oktober 2021 la dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal, taasoo ka dhigan doorashada Madaxweynaha ay u dhici karto bilaha November ama Disember. Jadwalkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigayay in 10-ka Oktoober la dooranayo Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO